Home 2015 October 24 Tababar heerkiisu sareeyo oo ay ka qeyb galeen Guddiga Jaaliyadda Danwadaag

Tababar heerkiisu sareeyo oo ay ka qeyb galeen Guddiga Jaaliyadda Danwadaag

Tababarkan waxaa ka qeybgaley Guddiga jaaliyadda Danwadaag förening, waxa uuna ka dhacay magaalada Borås maanta oo ay tariikhdu tahay 2015-10-24.  Tababarka waxa uu ahaa mid heerkiisu sareeyo oo ku saabsanaa sida loo maamulo jaaliyad iyo abuurista xiriir waaagsan oo lala yeesho dhamaan Hay-adaha dowladda, gaar ahaan heer degmo iyo gobolba.

Tababarka waxaa nagu martiqaaday Hay-adda Studiefrämjandet, xaruntooda Sjuhärad ee magaalada Borås, waxaaan kasoo qeyb-galay jaaliyado kale oo ka dhisan guud ahaan gobolkan Västra-gotland. Tababarka waxaa hor-jooge ka ahaa Khabiir sare oo wax ka dhigta jaamacadaha waddankan Sweden.

Maamulka jaaliyadda Danwadaag förening waxa ay ku faraxsan yihiin ka qeyb-galka tababarkan waxa ayna wax walba oo ay kasoo barteen u gudbindoonaan dhamaan xubnaha kale ee jaaliyadda.

Hoose, waa qeyb ka mid ah sawiradii laga soo qaaday tababarka.

IMG_3458IMG_3449IMG_3465

IMG_3451IMG_3467IMG_3033IMG_3116

Author: Yonis Isak

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *